Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kormeeray Dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe.[Video/Masawiro]

February 10, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray Dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dayactir lagu samaynayo.Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Isbitaalka ee dhismuhu kasocdo kuwaas oo maraya meel wanaagsan, isaga oo warbixino ka dhegeystay Maamulka Isbitaalka iyo Shirkada gacanta ku haysa dhismaha Isbitaalka.

no images were found

Masuuliyiinta Shirkada dhisaysa Isbitaalka ayaa Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagtay halka uu marayo qorshaha dayactirka Isbitaalka, halka uu marayo iyo shaqada u qabsoomtay waxayna sheegeen inay kusoo geba-gebayn doonaan mudo 6 biloood ah.

Ugu damabayn Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, boggaadiyay shaqada ku socota Isbitaalka Garoowe oo muhim u ah adeega caafimaad ee Bulshada loo hayo, wuxuuna kula dar-daarmay Shirkada gacanta ku haysa inay masuuliyad weyn iska saaaran shaqada ay hayaan isla markaana dar-dar geliyaan.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online