Madaxweynaha Dawladda Puntland ka tacsiyeeyay geerida Alle ha’unaxariistee Xirsi Bulxan Faarax

February 2, 2022 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Kenya, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha’unaxariistee Xirsi Bulxan Faarax oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya, kana mid ahaa aasaasayaashii Puntland.

“Alla ha’unaxariisto Xirsi Bulxan Faarax oo ku geeriyooday Sweden, Wuxuu ahaa shakhsi kuweyn dadka Soomaaliyeed, wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya laga soo billaabo 1968-tii illaa 2012.

Wakhti badan ayuu geliyay dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed isagoo sidoo kale ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland.
Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeeynaya Shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qoyskii iyo asxaabtiisii isagana waxaan Alle uga baryaya inuu janadii geeyo, Aaamin” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

AHUN Xirsi Bulxan Faarax, ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed, 1968-dii waxaa loo doortay Xildhibaan isagoo noqday Wasiirkii Xanaanada Xoolaha, aragtidiisa siyaasadeed ayaa dhowr jeer loo xiray, wuxuu Burburkii kadib ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, 2004 markii la dhisayay Dowladda Soomaaliya wuxuu Guddoomiyey Kulankii ugu horeeyey ee Baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaasi, maadaama uu ahaa xildhibaankii ugu da’weynaa muddadaasi iyo wixii ka danbeeyay wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka JFS illaa 2012.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online