Madaxweynaha DFS oo ka tacsiyeeye geerida Sheekh Cabdi Naasir oo ay dileen Al Shabaab

February 22, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed oo ku shihiiday qarax ay kooxaha arxan-laaweyaasha Argagixisada ahi kula eegteen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa xusay in Sheekh Cabdinaasir ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu duullaan ugu tahay diinta islaamka iyo nolosha haldoorka Soomaaliyeed.“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo argagixisada cadowga ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ay ku dhishay magaalada Kismaayo.

Sheekh Cabdinaasir waxa uu ahaa daaci weyn oo noloshiisa oo dhan u huray fidinta diinta islaamka.”Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey culimada iyo muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

—-DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online