Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shir gudoomiyey Shirkii golaha wasiirada Puntland.[Video]

February 17, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland, oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha, Ansixinta dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco), Ansixinta magac bedelka Wasaaradda Waraafinta iyo warbixin ku saabsan ka jawaabista saameynta ka dhalatay Abaarta.

Kulanka ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda oo Golaha la wadaagay sida wanaagsan ay u socdaan adeegyada loo hayo Bulshada.

Golaha ayaa ansixiyey dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan Shirkadaha korantada ee ka jira Puntland, Waxaana Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ka duuleysa Xeerkii Madaxweynuhu Shirkaddan ku dhisay 18-kii Bishii April 2020. Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyey magaca cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa boggaadiyay in lagu guulestay oo ay si wanaagsan u dhaqan gashay Mushahar kordhinta Shaqaalaha loo sameeyay, taasi oo ah tallaabo taariikhi ah oo ay qaaday Dowladda Puntland.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online