Madaxweynaha Dowladda Puntlandoo lagu soo dhaweeyey degmada waaciya ee Gobolka Bari.[Masawiro]
February 20, 2022 - Written by EditorWaaciye:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar.
Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay dadweynaha soo dhoweeyay, uga mahadceliyay soo dhoweynta wuxuuna la wadaagay shaqada Wanaagsan ee dalka ka socota sida dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka Puntland iyo qorshaha cusub ee Dowladdu ku horumarinayso Dekadda Boosaaso.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada cusub ee loo doortay in ay Puntland ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.
no images were found
Halgan.net