Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeey geerida Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow
February 8, 2022 - Written by EditorBeledweyne:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo ka mid ahaa nabadoonada ugu caansan Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo caawa koox argagixiso ah ay ku dileen Magaalada Beledweyne.
Allaha u naxariistee marxuumka waxa uu ahaa qof samaha jecel afgaaban cibaado badan u damqada bulshada kuwooda liita qeybwayna ka qaatay nabadeynta iyo wadajirka bulshada Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha waxa uu u tacsiyeeynayaa qoyska ehelka iyo qaraabada uu ka baxay nabadoon Cabdi Xuseen Coloow waxa uuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray Laamaha Amniga inay gacanta ku soo dhigaan cidii ka dambaysay falkaas, deg degna uga shaqeeyaan xasilinta Amniga Magaalada Beledweyne
.-DHAMAAD-