Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulamo la leh Waxgaradka gobalka Hiiraan

February 13, 2022 - Written by Editor

Hiiraan:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Ku Xigeenkiisa 1aad Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa maanta Magaalada Beledweyne uga qeybgalay munaasabad balaaran oo qaar kamid ah Beelaha Gobolka Hiiraan ku soo dhoweeynayeen.
Nabadoonada iyo Waxgaradka beelaha ayaa ku amaanay Madaxweynaha doorka odaynimo oo uu qaatay iyo xalinta tabashooyinkii jiray waxayna u cadeeyeen inay garab taagan yihiin Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen iyo taageerada ay la garab joogaan Dowladda Hirshabeelle.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE.

Comments are closed.

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online