Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dib ugu soo laabtay Muqdisho

February 7, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay Shirmadexeedka 35-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay Shirweynaha, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka Saambiya Mudane Hakainde Hichilema iyo Gaana Mudane Nana Akufo-Addo, oo ay ka wada hadleen xoojinka iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya iyo wax wada qabsiga dowladaha Qaaradda Afrika.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online