Madaxweynaha Jubaland oo ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Cabdi Naasir Xaji Axmed.
February 22, 2022 - Written by EditorKismaayo:-Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha unaxariisto walaalkeen Sheekh Abdinaasir Xaaji Axmed oo gacan ka xaq daran ay ku dishay qarax miino oo lagu xiray gaari ay lasocdeen isaga iyo Culimo kale.Alle ha u naxariistee sheekhu wuxuu ahaa daaci si weyn u anfacay ummada Soomaaliyeed oo dacwada iyo khayrka ku faafin jiray guud ahaan dhulka Soomaalida isagoo Magaalada Kismaayo u yimid faafinta khayrka iyo baraarujinta bulshada.Si gaar ah Waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo saxiibadii uu sheekhu ka baxay anigoo isagana rabi uga baryaya inuu janadii fardowsa ka waraabiyo.
—–Dhamaad—