Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Isimada gobalka Bari (Daawo)
February 24, 2022 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Isimada Gobolka Bari oo kala ah Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.
Kulanka ayaa looga hadlaya Xaalada Guud ee Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna qeyb ka yahay Kulamada uu Madaxweynuhu la leeyahay qeybaha kala duwan ee Waxgaradka iyo Bulshada Gobolka Bari.
–—Dhamaad—