Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka tacsiyeeyey Geerida Sh Abdinaasir Xaji Axmed.

February 22, 2022 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay Kismaayo.

“Alle ha’unaxariisto Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay maanta Kismaayo, wuxuu ahaa Shiikhu nin wakhti badan geliyay dacwada, muxaadarooyinka iyo in marwalba Bulshadeena la xasuusiyo ku dhaqanka diinta.
Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Culimaa’udiinka, ehelkii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday, isagana waxaan alle uga baryayaa inuu janadii geeyo, dadkii kale ee weerarkaasi ku dhaawacmayna alle ha u booga dhayo. Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

—DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online