Nadwo Cilmiyeed looga hadlay Sheekh Cabdinaasir oo caawa lagu qabtay Laascaanood (Masawiro)

February 24, 2022 - Written by Editor

Laascaanood:-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa waxaa lagu qabtay kulan loogu hadlayey dilkii Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed oo ay kooxda Maafida Al Shabaab ay ku dileen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Kulanka Tacsida ahaa ee Sheekha galabta loogu sameeyay Laascaanod gaar ahaan Masjid jaamica ayaa waxaa ka soo qeyb galay Culimada waawayn ee Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimid gobalka dalka Soomaaliya.

Culumada ayaa caawa Nadwada waxay aad uga hadleen kooxada dishay Sheekh Cabdinaasir iyo juhdiga uu Sheekh Cabdinaasir galiyey Faafinta dacwada iyo kheyrka oo manhajka Ahlu sunna oo markii danbe dartiis loo dilay.

Culumada Kulanka ka qeyb gashay caawa ayaa ugu baqaay dhamaan culumada iyo ducaada in ay sii wadaan kheyrkii uu waday Sheekh iyaga u dardaarmay umada Soomaaliyeed in ay alle u laabtaan meelna uga soo wada jeestaan kooxdan Maafiyada ah ee aan waxba hanbeyneyn.

Halgan.net ayaa sidaad uga barateen waxay idiin soo gudbin doontaa dhamaan Muxaadaraadka ay culumada caawa ka jeediyeen Masjidka Jaamica ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Cabdicasiis Maxamed
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online