Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiillada Beesha caalamka C6+

February 15, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah oo khuseeya dhammeystirka, daahfurnaanta iyo amniga doorashada dalka.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato xilligii loo qorsheeyay iyo in aan cidna lagu xad gudbin.

Mar uu ka hadlayay qoontada haweenka ee Golaha Shaacabka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo qoontada haweenka ee 30%, taas oo hadda gaarsiisan 21%.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in aan la aqbali doonin in ciidammada amnigu ku milmaan arrimaha doorashada ama loo adeegsado in dad gaar ah kuraas loogu boobo, waxa uuna ku boorriyay ciidammadu in ay ekaadaan kaalintooda sugidda amniga.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online