Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheikh Maxamed Bin Zaayid.

February 1, 2022 - Written by Editor

Dubia:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Zaayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Sheikh Maxamed Bin Zaayid iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Bin Zayid ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Bin Zayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, waxaa Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online