Ra’iisul wasaare Rooble oo joojiyey heshiis shidaal oo Soomaaliya ay saxiixday.
February 19, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hishiis la xiriira Batroolka Soomaaliya kaas oo la sheegay in Wasiirka Batroolka uu la saxiixday Shirked ajnabi ah si aan waafaqsaneyn sharciga dalka, Ra’iisul Wasaaraha XFS oo madaxa Xukuumaddana aan habayaraatee lala soo socodsiin.
Sidaa awgeed Ra’iisul Wasaaraha dalka waxa uu qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan shuruucda u taalla dalka oo lagu burinayo hishiiskaas xadgudubka ku ah hantida umaddu leedahay iyo dhaxalka jiilalka soo koraya.Shaqsi kaligii lagama aqbali doono inuu ku tagrifalo hanti Umaddu wada laadahay.
—–Dhamaad—