Shir Looga Hadlay Amniga caasimada iyo Xaalufka deegaanka oo lagu qabtay Garoowe.[Video]
February 7, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay siddii looga hortagi Lahaa dadka Amni darada ka wada caasmiada iyo siddii looga Hortagi Lahaa Xaalufka Degaanka.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka inay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago dadka Magaalada Mandooriyaha soo galiya.
‘Shirkaan oo looga hadlayey amniga iyo ka hortaga cabtooyada iyo kuwa xaalufinaya deegaanka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Cadaalada dowladda Puntland, Wasiir Ku Xigeenka Amniga, Taliye Ku Xigeenka Booliska Puntland, Gudomiyaha Gobolka Nugaal, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Degmada Garowe, Taliye Ku Xigeenka Qaybta, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Garaase, Odayaasha Dhaqanka, Haween iyo Marti Sharaf Kale.
M_M_Deeq
Halgan.net