Madaxweynaha Dowladda Puntland oo hambalyo u diray Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

April 26, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyeeynaya Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya, Guddoomiye Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale noqday Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee cusub Sen. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade.

Doorashada Guddoonka Aqalka sare waa dhameystirka dhismaha Hay’addo sharciyad haysta oo bud-dhig u ah Dowladnimada dalkeena, waxaan u rajeynaya Guddoonka Aqalka Sare in alle u fududeeyo masuuliyada iyo xilka loo doortay.

Waxaan inoo rajaynaya sidoo kale in Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka JFS iyo tan MadaxweynahaJFS ay si wanaagsan inoogu qabsoomto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online