Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida aliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib
April 26, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariiste Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ku geeriyooday dalka Jabuuti.
“Alle ha u naxariisto Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ku geeriyooday Jabuuti, Wuxuu ahaa masuul dadkiisa iyo dalkiisa usoo shaqeeyay isagoo soo noqday Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo heer Wasiir ah.
AHUN Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib wuxuu sidoo kale burburkii dalka kadib, uu door muhim ah ka qaatay dhismaha Dowladnimada Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha Bulshada sida Waxbarashada.
Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan Ciidamada kala duwan ee qalabka Sida gaar ahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.
Marxuumka alle janadii ha geeyo, ehelkiisiina Samir iyo Iimaan alle ha kasiiyo, Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND