Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida aliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib

April 26, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariiste Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ku geeriyooday dalka Jabuuti.

“Alle ha u naxariisto Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ku geeriyooday Jabuuti, Wuxuu ahaa masuul dadkiisa iyo dalkiisa usoo shaqeeyay isagoo soo noqday Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo heer Wasiir ah.

AHUN Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib wuxuu sidoo kale burburkii dalka kadib, uu door muhim ah ka qaatay dhismaha Dowladnimada Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha Bulshada sida Waxbarashada.

Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan Ciidamada kala duwan ee qalabka Sida gaar ahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.

Marxuumka alle janadii ha geeyo, ehelkiisiina Samir iyo Iimaan alle ha kasiiyo, Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online