Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Shirkadda DPWORLD [Masawiro]

April 3, 2022 - Written by Editor

Dubia:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta kulan la qaatay Madaxda Shirkadda DPWORLD, si loo dardargeliyo oo dhakhso loo billaabo dhismaha iyo balaarinta Dekadda Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa kulan mirro dhal ah la qaatay Suhail Al Banna oo ah Masuulka DPWORLD u qaabilsan Bariga dhexe iyo Africa, waxaana la isla gaaray in sida ugu dhakhsiyo badan loo billaabo Balaarinta iyo Dhismaha Dekadda Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland Kuwaasi oo markii Kulanku dhammaaday booqasho ku tegay Dekadda Jabal Cali iyo Xafiiska DPWORLD.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimi dadaal ku bixiyey Sidii loo dhaqaajin lahaa Shaqada balaarinta Dekadda Boosaaso, waxaana ugu danbeyn laga gaaray guulweyn oo ah in dhowaan uu bilowmayo mashruuca balaarinta Dekadda Boosaaso.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online