Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Abwaan Beddel Jaamac Xirsi

April 18, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo dil xaqdarro ah loogu gaystay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska dalka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee maanta ay kooxaha arxanlaaweyaasha ahi la beegsadeen Xarunta Villa Hargeysa, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada gurracan ee kooxaha argagixisada ah, si buuxdana loola shaqeeyo ciidammadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuum Beddel Jaamac Xirsi Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray falkii argagixiso ee maanta lala beegsaday Xarunta Villa Hargeysa.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online