Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka 11 oo beri la dhaarin doono
April 13, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maalinta beri ah la dhaarin doonaa Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadooda Aqal waxaan lagu wargeliye in ay soo qaataan aqoonsigooda ayna yimaadaan Akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9.30 aroornimo.
Xildhibaanada ayaa halkaas waxaa ka qaadin doono Basas loogu diyaariyey waxaan ay geyn doonaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso. Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka 11 ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray in Baabuurtiina iyo ilaalada la socota ay uga soo tagaan Barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye.
Dhinac kale waxaa sidoo kale lagu wargeliyey Xildhibaanada Degan Agagaarka Airporka in ay yimaadaan Saldhiga Airporka halkaas oo loogu diyaariyey Basaskii ka qaadi lahaa islamarkana geyn Lahaa Teendhada Afasiyooni oo ay ka dhacayso xaflada dhaarinta Xildhibaanada.
A/cawaale
Halgan.net