Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo la kulmay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.[Masawiro]

May 5, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Shacabka marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta waxay kulan la qaateen safiirka boqortooyada UK marwo Kate Foster.

Safiirka UK marwo Kate Foster ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ugu hambalyeysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray habsami u socodka hannaanka doorashada madaxweynaha JFS ee looga gol leeyahay in ay ku dhacdo qaab hufan, nabdoon oo lagu wada qanacsan yahay.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,550 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>