Isbeddelada Maamul iyo Shaqaale ee Hay’adaha Dowladda xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya ku takri-falka awoodda dowladnimada, musuqmaasuqa maamul iyo xadgudubka ka dhanka ah shaqaalaha qaranka;
Madaxweynaha oo tixraacaya Xeerarka jiheynayey maamul wanaagga iyo ilaalinta danta guud ee uu soo saaray 18-kii Janaayo, 2018 iyo 7dii Ogoosto 2021;
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya cabashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan isku dayada in isbeddel maamul iyo shaqaale lagu sameeyo qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, iyada oo la ogsoon yahay xaaladda doorasho ee uu dalku ku jiro;
Waxa uu soo saaray Xeerkan;
1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.
2. Madaxweynuhu waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022.
3. Xeerkan Madaxweyne wuxuu baabi’inayaa isbeddelada maamul ee lagu sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ku-simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka iyo xil ka qaadis kasta oo la sameeyay wixii ka dambeeyay taariikhda aan kor ku xusan.
4. Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xaasaasiga ah in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaran.
5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online