Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii dowladda Imaaraadka Sh Khaliif Bin Zayid Nahyaan
May 13, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii dalka Imaaraadka Carabta, oo maanta geeriyooday.
“Waxaan uga tacsiyeeynaya Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, geerida alle ha u naxariistee Madaxweynihii dalkaasi Shiikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo geeriyoday maanta.
Wuxuu ahaa hoggaamiye door muhim ah ku leh wadamada Islaamka iyo guud ahaan wadamada Adduunka, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday, marxuumka waxaan alle uga baryaya inuu janadii geeyo.Aamiin,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni.
—-DHAMMAAD—–
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Leave a Reply
![]() |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|