Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Sh Cali warsame Xassan
May 31, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Marxuum Sheekh Cali Warsame uu ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka, isaga oo dadaal weyn ku bixiyey waxbaridda ubadka Soomaaliyeed
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco. Marxuumku waxa uu ahaa daaci weyn oo waqti badan geliyey fidinta diinta islaamka iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.
DHAMMAAD