Madaxweyne Siciid Deni oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee JFS oo maanta xilka la wareegay.

May 23, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay Madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay sida wanaagsan ay xilka isugu wareejiyeen maanta Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha cusub, wuxuuna u rajeeyay Madaxweynaha cusub in alle u fududeeyo xilka loo doortay ee uu maanta la wareegay.

“Waxaan boggaadinaya sida habsamida leh oo nabadgelyada ah ee ay u dhacday xilwareejinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay dalkeena u tahay wax weyn in aynu joogteyno isku wareejinta xilka Madaxweynaha si nabad ah oo dimuqraadiyadd ah.

Madaxweynaha cusub ee JFS oo maanta Xilka la wareegay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa hortaalla shaqo badan, waa in lala shaqeeyo oo lagu garab istaago sidii dalkeenu hore ugu socon lahaa, waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo xilka uu maanta la wareegay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online