Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii Dowladda Imaraadka Carabta

May 13, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah uga diray qoyska, shacabka iyo guud ahaan dowladda Imaraadka Carabta geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii dalkaas, Mudane Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan.

“Mudane Maxamed Binu Raashid Aala Maktuum, Madaxweyne Ku-xigeenka Imaraadka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid Aala Nahyaan, Dhaxal Sugaha Imaraadda Abu Dhabi, waxaan idinka, qoyska Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Imaraadka Carabka, la wadaagayaa murugada geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan, Madaxweynihii Dowladda Imaraadka Carabka.

”Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaal mariyo jannooyinkiisa, isaga oo dowladda iyo guud ahaan shacabka Imaraadka Carabta u rajeeyay samir iyo iimaan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online