Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland oo magacaabay 3 wasiir
May 5, 2022 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa magcaabay xubno ka mid ah golaha wasiirada ee Puntland waxaan ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyadda loo magcaabay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo), wasiirka amnigana loo magcaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin), iyo Cabdirisaaq Mire Xassan (Gaawiido) oo loo magcaabay wasiirka maaliyadda.
Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland
MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.
MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.
WUXUU XEERIYEY:
MAGACAABID
1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland
2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland
3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.
Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland