Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland oo magacaabay 3 wasiir

May 5, 2022 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa magcaabay xubno ka mid ah golaha wasiirada ee Puntland waxaan ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyadda loo magcaabay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo), wasiirka amnigana loo magcaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin), iyo Cabdirisaaq Mire Xassan (Gaawiido) oo loo magcaabay wasiirka maaliyadda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland
MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.
MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.
WUXUU XEERIYEY:
MAGACAABID
1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland
2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland
3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.
Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online