Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland oo la shiray Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee TPEC i

May 25, 2022 - Written by Editor

Garowe:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta ka qaybgalay shir muhiim ah oo u dhexeeyey Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee TPEC iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bogaadiyey Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee TPEC sida hor dhaca leh ee ay u shaqaynayaan ayna u diyaariyeen, qariiraddii doorashada Degmooyinka harsan looga qaban lahaa, Jadwalka cusub ee Doorashooyinka, qorshaha, dhaqangalinta waxyaabihii laga bartay doorashadii hordhaca ahayd iyo miisaaniyadii ku bixiy lahayd qabashada doorashada Degmooyinka harsan.

Sidoo kale waxaa laga wadahadlay wada shaqaynta Guddiga iyo wasaraadaha kala duwan si loo sameeyo wacyigelin baahsan iyo hirgalinta dhamaystirka Doorashada Degmooyinka dhiman, Sidoo kale,TPEC ayaa dhankooda sheegay in ay dhowaan munaasabad ku soo bandhigi doonaan jadwalka doorashada iyo qorshaha wacyigelinta dadwaynaha.

Kulanka waxaa kasoo qaybagalay wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Haweenka Naciimo Cabdiraxman Guuleed, Wasiirka shaqada, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdiraxmaan Caydid Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Axmed Ibraahim Cawaale. Ugu damayntii Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi-Wanaaagsan iyo is afgarad.

—Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Leave a comment

*

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online