Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha guddigga dib u-habeynta Ciidamada oo gaaray Gaalkacyo
May 9, 2022 - Written by EditorGaalkacyo:-Wafti u hooggaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha guddigga dib u-habeynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Taliyaha Ciidamadda Difaac Puntland Gen. Yaasin Cumar dheer ayaa Garay Magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Mas’uuliyiintan ayaa waxaa magaalada gaalkacayo ku soo dhoweyay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka kan Degmada iyo taliyaasha kale duwan ee ciidamada.
Ujeedka socdalka waftiga ayaa salka ku haya tababar loo soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland oo mudo tababar uga socday Dugsiga tababarka Gen. Careys Gaalkacyo.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.