Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka DPL oo ka Tacsiyeeyey geerida Guddomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida .
November 3, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timi Alle Ha u naxariistee Guddomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Gen.Siciid Abyan Cigaal “Saalax Liif” oo ku geeriyooday Garoowe.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyey qoyskiisii, ehelada, asxaabta, Ciidmada qalabka sida iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.
AHUN Gen. Siciid Abyan Cigaal, ayaa ahaa sarkaal waxbadan usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuu xilal kala duwan oo xagga Ciidamada ah kasoo qabtay Soomaaliya iyo burburkii kadib oo uu Puntland doorweyn kulaha yagleelka garsoorka Ciidamada.
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ayaa Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryey inuu Janatul Fardowsao ka waraabiyo marxuumka, eheladii iyo saaxiibadiina uu samir iyo Iimaan kasiiyo, Aamiin.
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.