Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shir gudoomiyey Shirka Golaha Amniga Puntland.[Masawiro]
November 6, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa caawa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Puntland oo looga hadlay Amniga guud ee Puntland iyo warbixino laga dhegaystay xubnaha guddiga.
Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Puntland (PISA), Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska, iyo La-taliyeyaal Amni.
no images were found
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND