Maraykanka oo Xaqiijiyey Dilka Xasan Cali Dhoorre

April 2, 2016 - Written by Editor

dhooreSarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa ku dhintay hawlgal ay gaysteen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka. Saraakiisha Soomaalia iyo kuwa Maraykanka ayaa idaacadda VOA u sheegay in hawlgal lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabab uu dhacay.

Aqalka Gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegay in la dilay Xasan Cali Dhoorre kadib iskaashi lala sameeyey ciidamada dawladda Soomaaliya.

Goor horena Jeneraal ka tirsan dawladda Soomaaaliya ayaa sheegay in hawlgal ay fuliyeen ciidamada kumaandowska lagu dilay Xasan Cali Dhoore oo ka tirsanaa amniyaatka Shabab.

Xasan Cali Dhoore ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa amniyaatka ururka Al-Shabab. Laba nin oo kale ayaa la sheegay inay la dhinteen.

Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Baashi ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in hawl-gal ay xalay ciidamada dowladda ka fuliyeen gobolka Sh/hoose gaar ahaan tuulada Tooratoorow lagu dilay afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabab oo uu ka mid yahay Xasan Cali Dhoore oo abaanduuluhu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca amniyaatka.

Hase yeeshee warar VOA heshay ayaa sheegaya in duqaynta ay ka dhacday inta u dhaxaysa magaalooyinka Kamsuuma iyo Jilib.

Balse Maraykanka ayaa sheegay inuu dhacay hawlgalka Al-Shabab ka dhan ka ah Isla markaana la qiimaynayo khasaarahana buuxa ee hawlgalka.

Xasan Cali Dhoore, waxaa horay madaxdiisa lacag u dul dhigtay dawladda Soomaaliya, wuxuuna madax ka ahaa sirdoonka Shabaab ee fuliya dilalka qorshaysan ee gobolka  Banaadir.

Maraykanku waxay sheegeen in Dhoorre uu kormeere ka ahaa weerar lagu dilay ugu yaraan saddex qof oo ah muwaadiniinta Maraykanka.

Maraykanku waxa uu sheegay in Dhoore uu lug toos ah ku lahaa weerarkii 25-kii Diisambar lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdishu oo ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo muwaadin Maraykan ah. Waxa kale oo Pentagon-ku sheegay inuu ka dambeeyey weerarkii 25-kii Maarso lagu qaaday huteelka Maka Al-Mukarrama oo dadka ku dhintay uu ku jiray muwaadin Maraykan ah.

Af-hayeenka Pentagon-ka ayaa sheegay uu qorshaynayey weeraro kale oo ka dhan ah muwaadiniinta Maraykanka magaalada Muqdishu.

Saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgal kale oo ka dhacay agagaarka Jannaale lagu dilay in ka badan 10 ka tirsan ururka Al-Shabab.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegay in duqayn dhinaca cirka ah ay dhacday 24-kii saac ee lasoo dhaafay gobollada jubbada Hoose iyo Shabeellada Hoose, taasi oo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabab.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online