Dr.Eenow: Hoggaaimaya Caqli gaab-ka ah wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa meel isagu uu doonayo.[Dhagayso]
April 4, 2016 - Written by EditorStockholm:-Wasiirkii hore ee caafimaadka dowladda Puntland Dr Saadiq Eenow oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu ku til maamay hishiiskii xalay ku dhexmaray wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland Dr.Saadiq Eenow uu yahay mid lagu deg degay uun caqabad ku yahay midnimada iyo siyaasadda Puntland.
Wasiirkii hore ee caafimaadka dowladda Puntland Dr Saadiq Eenow ayaa sheegay in hishiiska xalay ku dhexmaray wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland mid loogu gogol xaarayo in dib loo soo doorto Madaxdwayne Xassan Shiikh Maxamuud.
Wasiirkii hore ee caafimaadka dowladda Puntland Dr Saadiq Eenow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Puntland waa dad waacyi ah, mar-kastana wax dhibaato dhexdooda ka abuura ma’ahan dad samaynaya, oraah-baa jirta oronaysa, annigoo ka xun inaan iraahdo Hoggaamiyaha Caqli gaabka ah wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa meel isagu doonayo, Hogaamiyaha caqli lowga ah-na wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa meel ay iyagu doonayaan, halka Hoggaamiyaha Caaqil-yahanka ah wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa halka ay maslaxadoodu taalo”
Hoos ka dhagayso Waraysigii oo dhammaystiran. Waxaana waraystay wariyaha Radio Daljir Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin
[audio: http://daljir.com/resources2/files/Dr%20Eenow.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net