Madaxweyne Gaas Magaalada Bahar Daar ee Dalka Ethiopia aga qayb galay shirka Tana Forum[Masawiro]
April 16, 2016 - Written by EditorAddis:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta 16-April-2016 magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia kaga qayb galay shirkii sannadla ahaa ee Madaxda Afrika ee Tana High Level Forum ee looga hadlayey xaaladaha dhaqaale iyo amni ee Qaaradda Afrika oo saaka ka furmay halkaasi.
Sidoo kale shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay madax tiro badan oo ka kala timi dalalka ay ka kooban tahay qaaraddani Afrika iyadoo madaxweyne walba oo shirka kasoo qayb galayna uu khudbad halkaasi kajeedin doono.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo goor dhow shirka khudbad taariikhi ah ka jeedin doona ayaa khudbaddiisa waxa uu xoogga ku saari doonaa guud ahaan xaaladaha Amni iyo dhaqaale ee waddanka Soomaaliya gaar ahaa Puntland oo ay ka jirto koboca dhaqaale iyo amni oo ay kaga duwan tahay gobollada kale dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waxa uu madasha ka sheegi doonaa doorka ay dawladdiisu siisay dar-dar gelintadhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland sida Jidadka, Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha oo saamayn weyn ku leh koboco iyo kor u qaadista dhaqaalaha Puntland, isla markaana muddadii uu xilka hayey uu ku sameeyey is beddello taabba gal ah.
Sidoo kale waxaa uu Madaxweynuhu khudbaddiisa kaga hadli doonaa Xaaladda Amni ee dalka gaar ahaan Puntland oo ay ka jirto nabad gelyo buuxda oo laysku hallayn karo, waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu khudbadiisa ku xusi doonaa guulihii ciidamada Puntland ay iyagoo aan cidna wax taageero ah ka heleyn kasoo hooyeen kooxdii shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland iyo dharbaaxadii lama ilaawaanka ahayd ee ay ciidamada Puntland ku dhufteen kooxdaasi. Shirkaas ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxaan la rajeynayaa in lasooo afmeero maalinta Axadda ah ee berrito isla markaana ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah.
no images were found
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.