Daawo Muxaadaraadkii xalay laga jeediyey Nadwada Boosaaso (Daawo)
April 17, 2016 - Written by EditorWaxaa habeenkii sadexaad si toos ah uga socda magaalada bosaso ee xarunta gobolka bari gaar ahaan masjidka alrowda nadwadii sanadlaha ahayd,cinwaanka muxaadarada ayaa caawa ahaa “dhibaatooyinka carrabka” waxaana soo jeedinay Dr.Axmed Jaamac Ismaaciil mire.
Sheekha ayaa inta uusan muxaadaradiisa guda galin si kooban uga hadlay nimcooyinka ilaahay kugalladay umadda taasoo ubaahan in alle loogu shukriyo , intaas kadib ayaa sheekhu guda galay muxaadaradiisa isaga oo sheegay in carrabku uu yahay seef lab oaf leh taasoo lagu kasban karo kheyr fara badan sidoo kale lagu kasban karo shar aad ufara badan, hadaba waxaa la doonayaa in qofka muslimka ahi uu lasocdo carrabkiisa iyo waxa uu ku hadlayo ayuu yiri sheekhu.
carrabku waa xubin aad uyar oo khatartiisa wata una baahan in la iska ilaaliyo,dhibaatooyinka carrabku soo jiido aad ayay ufarabadanyihiin waxaanka kamid ah: xanta taasoo umadda aad ugu badan macneheeduna waxa weeyaan “ inaad walaalkaa ku tilmaanto wax aanu raalli ka ah”.
Xantu waa ay ku fududahay in lagu dhaco lkn markii laga eego waxa ay shareecadu ka tiri wax sahlan ma ahan, waxana ay leedahay ciqaab adduun iyo mid aakhiro, sida uu noo sheegay Nebigu scwww.
Sheekhu waxa uu sheegay inay waajib ku tahay qofka muslimka ah inuu walaalkiis ka difaaco cidii xamanaysa oo uu ilaaliyo sharafkiisa arrintaasina uu ku helayo ajar aad uwayn .
xantu haddii ay sidaas u dhib badantahay haddaba side la isaga dayn karaa?
Waxyaalaha kuugu kaalmaynaya inaad xanta iska dayso waxaa kamida inaad xasuusatid Alle ciqaabkiisa, sidoo kale inuu qofku toobad keeno oo alle u noqdo, qofkii uu xantayna uu ka dalbado cafis.
Waxaa kale oo kamida dhibaatooyinka carrabka isku dirka umadda iyo in la iska hor keeno , arrintaas oo ay ka dhalato ciqaabo sida in qofka ku dhaca dambigaas qabriga lagu cadaabo.
no images were found
Isku dirka umadda waxaa ka dhasha dhibtaatooyin fara badan oo ay kamid tahay in umaddu is nacdo oo kala fogaato.
Waxaa xalay Qaybta Danbe Ee Su’aalha ka jawaabay Culimada Kala Ah
Sh.Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf
Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed
Sh.Maxamuud Xaliilke
Hooska Daawo Qaybtii Su’alihii Habeenkii 3xaad
Hoos Kadaawo Muxaadaradii Sh.Dr Axmed Jaamac Ismaaciil