Madaxweynaha DFS oo ka Tacsiyeeyay geerida ku timid Dhalinyaro ku dhimatay Tahriib

April 18, 2016 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsiu u diray qoysaskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo doon ay la qalibantey xilli ay ku sii jeedeen qaaradda Yurub.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajiicuun. Waa geeri xanuun badan oo ina wada taabatey. Dhalinyaradaasi waxay ka baxeen Soomaaliya oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safaradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shilkan naxdinta badan uu muujinayo baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta la xiriirta ka hortagga tahriibka iyo safarada khatarta ah.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in wallow dalka ay ka jiraan duruufo adag, haddana loo baahan yahay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waalidiinta iyo dowladda ay ka wada shaqeeyaan sidii loo baajin lahaa safaradan khatarta ah ee dhalinyaradeena ay ku le’anayaan, lagana shaqeeyo in fursado loo abuuro dhalinyarada.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweynaha Ilaahay uga baryey marxuumiinta dhimatey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoysaskii iyo eheladii ay ka tageenna uu samir iyo iimaan ka siiyo –Aaamiin.

—-Dhamaad—

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online