Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo ka hadlay Golaha Qaramada Midoobay

April 20, 2016 - Written by Editor

umNew York:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiay xaaladda siyaasadda , amniga iyo arrimaha kale ee dhinaca horumarka ee Soomaaliya ka socda. Madaxweynaha waxaa uu ugu horeyntii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga waramey masiibadii dhowaan dhalinyaro badan oo Soomaali aah ku habsatey ee ka dhacdey badda Mediterranean-ka markii dooni tahriib ah oo ay ku socdaalayeen ay la qalibantey.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado joojinta safarada sharci-darrada ah ee sababaya dhimashada boqolaal qof oo u badan dhalinyaro. “Waan ognahay inay jiraan duruufo sababaya inay dhalinyaradan waddamadooda ka haajiraan, balse waxaa aad u xanuun badan dhibka ay kala kulmaan safaradan khatarta ah. Waxaan Golaha Ammaanka iyo beesha caalamka ka codsaneynaa in laga wada shaqeeyo sidii dhalinyaradan loogu abuuri lahaa fursado shaqo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka siyaasadda, waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay sannadkan doorashooyin ka dhacayaan, taasina ay qeyb ka tahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso dhanka dowlad dhisidda iyo in dalka la gaarsiiyo dimoqraadiyad dhammeystiran sannadka 2020-ka, maadaama doorashada sannadkan dhaceysa ay tahay mid dadban oo ilaa 14,000 oo xubnood ay codeyn doonaan.

Dhanka amniga waxaa uu Madaxweynaha xusay in walow horumar laga gaarey dagaalka lagula jiro Al Shabaab, haddana loo baahan yahay in tixgelin gaar ah la siiyo barnaamijka dowladda ee dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida.
‘’Waxaa loo baaan yahay in la tayeeyo lana xoojiyo hawlgallada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo taageero ka helaya kuwa Midowga Afrika.

Waxaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsanayaa in Soomaaliya gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran si aan u xoojino awoodda ciidankeena, argagixisadana looga sifeeyo Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika’’.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka dalbadey Golaha Ammaanka in dib u eegis lagu sameeyo awoodda iyo hawlaha Guddiga Kormeerka Qaramada Midoobay ee (Monitoring Group), kaas oo qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea, maadaama xilligii la sameeyay guddigaasi iyo xaaladda iminka ka jirta Soomaaliya ay kala duwan yihiin.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha u mahad celiyay beesha caalamka sida ay mar walba u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dhanka kale wakiillada dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyay horumarka dalka Soomaaliya uu ku tallaabsadey, iyagoo sidoo kale ku ammaanay hoggaanka Soomaaliya sida uu ugu guntadey in laga gudbo caqabadaha jira lana dhiso Soomaaliya cusub oo horumarsan.

—————————DHAMMAAD———————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online