Madaxweynaha Dawladda Puntland oo booqday ciidamadii Puntland kaga dhaawacmay dagaalkii Al-shabaab ee Addis Abab loo qaaday.[Masawiro]

April 21, 2016 - Written by Editor

3Addis:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli  Maxamed Cali Gaas oo Safar shaqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia ayaa maanta booqday ciidamadii Puntland ee ku dhaawacmay dagaalkii Puntland lagaga sifaynayey  kooxihii Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland, kuwaas lagu dabiibayo cusbitallo ku yaalla magaalada Addis Abab ee xarunta dalka Ethiopia.

Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Dekedaha,  gaadiidka Badda iyo ladagaallanka Burcad badeedka Cabdullaahi Jaamac Saalax, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha  Cabdiweli Xirsi Indho-guran iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid isla markaana waxay soo booqdeen dhammaan dhaawacyadii oo xaaladdoodu aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mid-mid ula sheekaystay dhaawacyadii si’uu si hoose ugu ogaado xaaladohooda guud ahaan,  isla markaana waxa uu amray in waddanka India loo qaado dhaawacyada qaybtood si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo  Booqashada kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa waxaa  qado sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyey magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xukuumaddiisa.

Kulanka qado sharafta ah ee  ay wada qaateen Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia  kadib waxay wada qaadeen kulan  gaar ah oo diiradda lagu saarayey xiriirka u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Sidoo kale waxaa kulanka looga wada hadlay halka uu marayo Kastamka Tuur-dibi oo la filayo in dhowaan la furo si Puntland iyo Ethiopia ay u yeeshaan xidhiidh ganacsi oo ka wanaagsan ka hadda jira iyo sidii laysaga kaashan lahaa sugidda nabad gelyada maadaama Puntland iyo Ethiopia ay wadaagaan xuduud dhuleed aad u ballaadhan.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online