Jaaliyada Beesha Khaalid oo ka bilowday iskuulka magaalada Sooljoogto oo ah mashriic Horumarineed[Video/Masawiro]
April 29, 2016 - Written by EditorLaascaanood:-Jaaliyada Beesha Khaalid ayaa ka bilowday iskuulka magaalada Sooljoogto mashruuc isugu jira qolal iyo dhisme barkad biyood taasi oo ay baahi wayn u qabeen ardayda iyo macalimiinta iskuulka deegaanka Sooljoogto oo hoos yimaada magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.Daahfurka mashruuucan ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha magaalada Sooljoogto Maxamed Saciid Aw Cabdi maamulaha iskuulka Sool joogto iyo sidoo kale wax garadka deegaanka Sool joogto.
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamacada briga afrika ee buuhoodle Dr C/shaafi Axmed Cali oo wakiil ka ahaa jaaliyadda mashruucan fulinaysay oo isagu faah faahina kabixiyey mashruucani iyo ula jeedkiisa. Sidoo kale waxaa halksaasi ka hadlay maamulaha iskuulka sooljoogto Axmed Aadan Cali iyo gudoomiyaha magaalada sooljoogto Maxamuud Siciid Aw Cabdi iyo Ismaaciil Goox oo ka mida odayaasha sooljoogto dhamaantoodna waxay mahad balaadhan u soo jeediyeen jaaliyada beesha Khaalid oo mashruuucan fulisay.
Sidoo kale waxaa halkaasi kahadlay gudoomiyaha ururka ILAYS ee tageera wax barshada Dhuux Faarax Jaamac Dayl dar daaran xoogana usoo jeediyey dadweynaha reer Sool joogto gudaha iyo dibadaba.
Ugu danbayntiina Dr C/shaafi Axmed Cali ayaa lacag deeq ah oo ka timi jaaliyad ku wareejiyey gudoomiyaha magaalada Sooljoogto taasi oo loogu tala galay qodaalka Berkada iskuulka sooljoogto .
no images were found
Hoos ka eeg Jaaliyada Beesha Khaalid ay ka bilowday iskuulka magaalada Sooljoogto
En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net