Ciidanka Booliska Boosaaso oo howl galo ku soo qabtay ilaa 23 qof
May 7, 2012 - Written byCiidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay howl gal ka sameeyeen saaka xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso gaar ahaan Xaafada Zuweeto iyo Xaafada Carab ay ku soo qabteen ilaa 23 qof oo ka ganacsanayey maandooriyaal iskugu jira Xashiish iyo Khamriga la sameeyo ee Calaqa loo yaqaan. Wasiir kuxigeenka amniga Puntlland Cabdijimaal Cismaan iyo taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Muxidiin Axmed Muuse oo saxaafada kula hadlay Saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaaso ayaa sheegay in dadkaan ay soo qabteen ciidanka Booliska si deg deg ah Maxkamada loo keeni doono iyagoo lagu eedeeyey in bulshada ay ka iibinayeen walxaha maandooriyaasha ah oo ay dowllada Puntlland horay u mamnuucday ka ganacsi gooda.
Wasiir kuxigeenka amniga Puntlland Cabdijimaal Cismaan Maxamed ayaa isaguna u sheegay saxaafadda in ciidanka Boolisku ay sii wadi doonaa howlgalka ay ku baacsana yaan kuwa bulshada ku dhexfaafinaya Maandooriyaasha iyagoo ah kuwa sababa amni dara iyo nabadgelyo xumida. Wasiirka ku xigeenka amniga ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in ay mamnuuc tahay in dadku ay ku dhexwataan degaanada Puntlland gaar ahaan magaalada Boosaaso baabuurta leh bacaha madow qofkii lagu qabtana talaabo sharci ah laga qaadi doono
M_M_Deeq
Halgan.net