Ciidanka Booliska ee Gaalkacyo oo qabtay Hub iyo maandooriyaal
May 9, 2012 - Written byGaalkacyo: Ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa howl galo ay saaka ka sameeyteen Xaafadaha Israac iyo Garsoor waxaa ay ku soo qab teen hub iyo Khamri ,Ciidanka Booliska magaalada Gaalkacyo ayaa hubka ay soo qabteen waxaa uu iskugu jiraa Qoriga loo yaqaan AK-47, Bastoolado, Bambooyinka gacanta laga tuuro , dhamaan hubka la soo qabtay ayaa ahaa mid sharci daro ah.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland Jaamaca Maxamed oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ee Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigeen ilaa 4 qof oo watay hub sharci daro ah oo la filayo in ay doonayeen in falal amaanka lid ku ah ay ka geystaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug , Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanku ay soo qabteen Khamri iyo maandooriyaal kale oo la doonayey in la geeyo magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ee dowllada Puntland Jaamaca Maxamed ayaa sheegay in dhamaan dadkaan lagu soo qabtay hubka sharci darada ah iyo Khamriga la soo taagi doono Maxkamada si deg deg ahna sharciga loo keeni doono. Afarta Qof ee lagu soo qabtay hubka iyo Khamriga ayaa waxaa loo dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Gaalakcyo iyadoo hadda ay ciidanka Boolisku ay su,aalo weydiinayaan.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug ee dowllada Puntland Jaamaca Maxamed ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Gaal kacyo in ay la shaqeeyaan ciidanka Booliska iyo laamaha kale ee amaanka si loo adkeeyey amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobol ka Mudug.
M_M_Deeq
Halgan.net