Raisulwasaaraha DFKM oo qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Koonfur Afrika iyo Mozambique(warsaxafadeed).
May 10, 2012 - Written byMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socda Koonfur Afrika iyo Mozambique .Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uu kulan la qaatay Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, Mr. Jeffrey Radebe, Safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Nairobi Mr, Didumusi Ntushinga iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Mozambique Dr, Edwardo iyo wafuud kale oo ay hogaaminayaan, Waxaana kulanka looga hadlayay Xiriirka dowladaha Koonfur Afrika, Mozambiqeu iyo Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Koonfur Afrika loogu geysto dadka Soomaaliyeed.
no images were found
Kulanka kadib ayaa waxaa si wada jir ah saxaafadda ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Koonfur Afrika.
“Sidaa la socotaan Koonfur Afrika waa wadan ku caan baxay soo celinta Nabadda sababtoo ah waxay ahaa yeen wadan ka jira Midab takoor kadibna xornimmo helay marka qibradii ay wadankooda ku nabadeeyeen iyagoo soo maray dagaal iyo cunsiriyadda midab kala sooc haddana iyagoo cadaan iyo madoob ah isku yimaaaan go’aansaday in dalka la nabadeeyo, taana waxay u lee yihiin qibrad aad u weyn oo loo baahan yahay in laga qaato, Sidoo kale Mozambique waxay soo martay dagaal sokeeye oo dhexdooda ah kaa oo qaatay 16 sano kadibna ay ka baxeen dagaaladii sokeeye oo waa ay heshiiyeen marka waxaan rabnaa inaan qibradaasi inagu wax ka helno islamarkaana xilliga xasaasiga ah oo aynu mareyno wax nagala qaataan oo ay nagu taageeraan” ayuu yiri.
“Waxa uu balanqaaday Madaxweynaheena inuu ku caawiyo Soomaaliya 100 Million oo lacagta Koonfur Afrika ah, taa oo lagu dhisayo hay’adaha dowladda iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta Shaqaalaha dowladda iyo waliba sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Diplomacyadeed” ayuu yiri Mr. Jeffrey Radebe.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa saxaafadda u sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika dib loo furi doono islamarkaana ay kala hadli doonaan dhibaatooyinka loo geysto dadka Soomaaliyeed ayna heli doonaan xuquuqdooda.
– DHAMAAD –
Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)