Ciidanka amaanka ee Boosaaso oo xabsiga u taxaabay dad aad u tiro badan
May 12, 2012 - Written byBoosaaso:-Ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka howlgalo ay sameeyeen waxay xabsiga u taxaabeen dadweyne tiro badan ka dib markii looga shakiyey in ay wax u dhimayaan amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland.
Howlagaladan ayaa waxay ciidamada bilaabeen saaka si kadis ah iyaga oo guryaha iyo Hotelda iyo qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ka qabtay dhalinyaro waxaana lagu xiray saldhiga Dekkada magaalada Boosaaso halkaas oo su,aalo lagu weydiinayo.
Qaar ka mid ah dadkii saaka laga qabtay magaalada Boosaaso ayaa dib loo soo daayey waxaana wili socda howlgalada ay wadaan ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso.
Ilo wareed ku sugan magaalada Boosaaso ayaa u sheegay Halgan.net in xabsiga la dhigay rag looga shakisan yahay in ay dileen Cali Diib Gurxan iyo Mijir Xasan Gurxan.
Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dilalka ka dhaca magaalada Boosaaso iyo Gaalkacyo ay ka danbeeyaan kooxaha amniyaadka ee al-Shabaab wuxuuna ku faanay in ay gacanta ku dhigeen 10-qof oo ka tirsan Al-Shabaab.
M_M Deeq
Halgan.net