C/weli Gaas oo sheegay in fikirka Puntland ee Dastuurka uu ka duwaneyn fikirada kale
May 12, 2012 - Written byMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay diidmada Dastuurka Qabyo Qoraalka ee Puntland mar uu la hadlay warbaahinta ku hadasha afka DFKM wuxuuna sheegay in fikirka ku aaddan dastuurka ee Puntland uu la mid yahay cabashooyinka kale ay soo jeediyeen dadka kale.
Raisulwasaaraha DFKM ayaa waxaa uu cadeeyey in iminka aan afti dadweyne loo qaadin karin Dastuurka DFKM wuxuuna xusay in marka laga baxo xaalada lagu jiro afti loo qaadi doono Dastuurka DFKM kaas oo dhaliyey buuq tiro badan.
Dowlada Puntland ayaa ka biyo diiday qaar ka mid ah qodobada Dastuurka DFKM iyaga oo ku baaqay in wax laga badalo qaabka uu u qoran yahay taas oo ay masuuliinta DFKM ay si kala duwan uga hadleen.
Raisulwasaaraha DFKM Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha RoadMap-ka ayaa sheegay in qorshe RoadMap-ka uu marayo meel aad u wanaagsan .
Raisulwasaare Gaas ayaa sheegay in dhaliisha loo soo jeedinayo Dastuurka loo baahan yahay si loo akhriyo ka dibna la saxo loona gudbiyo culumada Soomaaliyeed iyo aqoon yahano Soomaaliyeed.
Raisulwaasaaraha DFKM Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kale uu ka hadlay amaanka iyo dagaalka ay dowladiisa kula jirto Ururka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in qorshaha amaanka lagu sugayo uu fiican marayo howlgaladana ay ka socdaan magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka.
A/Cawale
Halgan.net