Masuuliyiinta Puntland ee ku sugan Gaalkacyo oo si Adag uga hadlay Howlgalkii maanta.[Video]
August 10, 2020 - Written by EditorGaalkacyo:-Masuuliyiinta Dowladda Puntland ee ku sugan Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay Howlgalkii maanta ka dhacay magaaladda, ee uu ku geeriyooday Taliyihii Madaxtooyada iyo Askari kale.
Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan mudane Abdisamad Mohamed Galla, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire, Taliyaha Ciidamada Booliska Gen Cabdi Yare iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare ayaa dhammaantood si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in Dowladda ay ka go’antahay soo afjarida wax kastoo lidi ku ah amniga Gobolka oo maandooriyihu u horeeyo.
Waxay Shacabka Gobolka iyo odeyaasha dhaqanka uga mahadceliyeen, sida wanaagsan ee ay dowladda ugula shaqeynayaan Amniga iyo horumarka Gobolka.
Baahintii:
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Amniga iyo DDR Dawladda Puntland.