Gudigga Gurmadka Qardho oo daah-furay bixinta dhaqaalihii gurmadka Qardho
August 17, 2020 - Written by EditorQardho:-Gudigga Gurmadka Qardho ayaa maanta daah-furay Bixinta dhaqaalihii loogu talagallay dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadkii Magaalada kusoo rogmaday, 1400 oo qoys ayaa la gaarsiin doonaa lacag ka badan 1 Malyan oo dollar 5beri ee soo socota.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Faderalka iyo iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo ay Wehliyaan Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Hawlaha Guud, Caafimaadka iyo Waxbarashada, Xildhibaano ka tirsan Puntland, Maamulka Degmada Qardho, Kan Gobolka Karkaar, Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Puntland, Agaasimaha Madaxtooyada Qardho, Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda iyo Masuuliyiin kale ayaa goob-joog ka ahaa daahfurka dhaqaale bixinta loogu talagallay dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadkii Magaalada Qardho.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND