Madaxweynaha PL oo ka tacsiyeeyey geerida Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Waxbarashada hore ee Puntland
August 19, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi-goobe) oo ku geeriyoodey Garoowe.
Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Cabdi Goobe waxa uu soo noqday Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Waxbarashada iyo Ganacsiga ee Dowladda Puntland, wuxuu ka mid ahaa macalimiinta Soomaaliyeed ee kusoo tabcay aqoon-yahano badan oo maanta dalkooda, dadkooda iyo diin toodaba u adeegaaya.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni waxa uu Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatu Fardawsa, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.